Dhageyso: Muran Ka Dhex Jira Wasaaradda Amniga Jubbaland

Waxaa so baxaya xilligan khilaaf ka dhex jira wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland, iyadoo khilaafkan uu si gaar ah ugu dhaxeeyo wasiirka wasaaraddan iyo sidoo kale wasiir dowlaha.

Maxamed Cabdi Kaliil oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Jubbaland ayaa sheegay in dayacaad amni uu sameynayo wasiirka.

Waxa uu sheegay in wasiirka uu sidoo kale sabab u yahay in Al-shabaab ay xannibaan isticmaalka waddooyin badan oo Gedo ah.

Kaliil ayaa sheegay in mas’uuliyadda dhanka amni darro uu qaadanayo Wasiir Janan oo isna dhankiisa aan wax jawaab ah laga hayn.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW