U bood dhigaalka

Dhageyso: Musharrax Madaxweyne Yaasiin Maaxi Oo Farriin U Direy Madasha, Kana Hadlay Arrimaha Doorashooyinka

Sheeko:Dalka, War

Musharrax Yaasiin Maaxi oo u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa u soo jeediyay hoggaamiyeyaasha Soomaalida in loo soo jeesto wax ka qabashada arrimaha abaaraha ee dalka.

Isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayuu wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in weli Soomaaliya aysan ka xoroobin qabyaalad iyo in wax lagu qeybiyo qabiil hase yeeshee uu filayo in taas laga bixi doono ee loo dhaqaaqi doono qaranimo.

Musharrax Madaxweyne Yaasiin Maaxi Macallin ayaa sheegay in madaxda Soomaalida ee shirka madasha uu uga soconayo magaalada Muqdisho ay kaga baahan yihiin in ay jaan gooyaan waqtiga doorashada la qabanayo.

Yaasiin Maaxi ayaa sheegay in dowladda federaalka laga doonayo in ay ilaaliso ammaanka musharrixiinta u tartamaysa hoggaanka dalka, oo uu sheegay in qaar badan oo kamid ah ay caasimadda Muqdisho u imaan la’ yihiin xagga amniga awgiis.

Madaxda madasha ayuu ugu baaqay in ay xil iska saaraan dib u dhaca ku imaanaya doorashada oo ay ka soo dhalaalaan masuuliyadda ay u hayaan umadda Soomaaliyeed.

Waxa uu ka hadlay arrimo la xiriira dib u dhaca oo uu ku tilmaamay inay yihiin arrimo farsmo balse u baahan in la saxo.

Wariyaha Goobjoog News Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo wareysigani la yeeshay, ayaa ugu horreyn weydiiyay waxa magaalada Nairobi uu ka hayo musharrax Yaasiin Maaxi Macallin.

Halkan hoose ka dhageyso: