Dhageyso: Nabadoon Lagu Diley Degmada Afgooye Ee Sh/hoose

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil habeenkii xalay ahaa degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose loogu geystay mid kamid ah nabadoonnada sida aadka looga yaqaannay degmadaasi.

Rag ku hubeysan bistoolado ayaa diley Nabadoon Duraan Maxamed Cali, xilli uu ku sugnaa Xaafadda Imbagaati ee degmada Afgooye, isaga oo kasoo baxay Masjid uu salaadda cishaha kusoo tukasho.

Raggii ka dambeeyay dilka nabadoonka ayaa la sheegay iney goobta ka baxsadeen sida ay goob joogayaal inoo sheegay.

Ciidamada ammaanka degmada Afgooye ayaa saakay wada baaritaanno inkastoo aanay jirin cid ay dilkaasi usoo qabteen.

Ammaanka degmada Afgooye ayaa maalmahan dambe ahaa mid aad uga soo darayey, waxaana ka dhacay dilal iyo dagaallo.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW