U bood dhigaalka

Dhageyso: Nimcaan Hillaac “Waxaa La Iga Joojiyay Bandhiggii Boosaaso Aan Ku Qaban Lahaa”

Sheeko:Amniga

Fanaanka dhallinyarada ah ee lagu magacaabo Nimcaan Cabdiraxman Xassan Hilaac ayaa Bartiisa Facebook ku shaaciyey in la joojiyey Bandhig faneed uu magaalo madaxda gobolka Bari ee Boosaaso caawa 27 Oct,2017 ku qaban lahaa.

Nimacaan oo muuqaal hal daqiiqo iyo shan ilbiriqsi ah ku baahiyay  bartiisa Facebook ayaa sheegey in Duqa Boosaaso Cabdisalaam Bashiir oo ku  martiqaadey markii hore uu joojiyey bandhig faneed uu ku qaban lahaa magaaladaasi.

Sababta arrintani qasabtay ma uusan shaacin, isagoo raalligelin u diray dadweynihii kasoo qayb gali lahaa xafladaan.

Ma aha markii ugu horreysay ee bandhig noocaan ah lagaga joojiyo fanaaniin bandhig ku qaban lagaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland ka kooban tahay iyadoo inta badan talabadaan ay ka timaado cadaadis culimadu saarto maamullada degmooyinka iyo guddoomiyeyaasha gobollada.

Magaalada Garoowe oo ah caasimadda Puntland ayaa waxaa horey looga joojiyey bandhig faneed ay qaban laheyd Nasteexo Indho kaasoo muran badan dhaliyey kadib markii talaabo taas lamid ah ay qaadeen Somaliland.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News