U bood dhigaalka

Dhageyso: Puntland Iyo Galmudug Oo Xaqiijiyey Iney Ka Go’an Tahay Nabad Ku Wada Noolaanshiyaha Mudug

Sheeko:Dalka

Madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay iney ka dhabeynayaan nabad ku wada noolaanshiyaha bulshada ku nool gobolka Mudug oo marar badan isku dhacyo dhexmaraan.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in shacabka Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug ay u bislaadeen nabad ku wada noolaanshiyaha.

“Galmudug iyo Puntland waxaan leenahay aan ka dhabeenno sidii aan shalay uga wada hadleynnay nabadda, walaalnimada iyo wada noolaanshiyaha..waxaan idiin cadeynayaa aniga oo afka shacabka iyo dowladda Puntland in daacad naga tahay nabadda” ayuu yiri Camey.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Maxamed Xaashi Cabdi ayaa isna sheegay in madaxda Labada maamul ay waqti badan ku bixiyeen sidii nabad looga dhigi lahaa magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Mudug, lana sameeyay ciidamo isku dhaf ah.

“Gaalkacyo waxay soo martay duruufo badan… si nabad loo helo la isla gartay in la sameeyo ciidan isku dhaf ah…annaga ka maamullo ahaan waxaan isla garannay in  la sameeyo ciidamo isku dhaf ah” ayuu yiri Xaashi.

Shalay waxaa Gaalkacyo tabobar loogu soo xirey ciidamo isku dhaf ah oo ka shaqeeya ammaanka guud ee magaaladaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News