U bood dhigaalka

Dhageyso: Puntland Iyo Somaliland Oo Loogu Baaqay Iney Qaataan Nabadda

Sheeko:Amniga

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah waxgaradka gobolka Sool ayaa isaga oo saxaafadda kula hadlay magaalada Laascaanood wuxuu sheegay in colaad aanay faa’ido lahayn, isaga oo Somaliland iyo Puntland ugu baaqay in nabadda ay qaataan oo dagaalkan dhameeyaan.

Waxa uu sheegay Garaad Jaamac iney la kulmeen qeybaha kala duwan ee bulshada Sool, islamarkaana ay diyaar u yihiin sidii loo nabadeyn lahaa gobolka Sool.

Garaadka ayaa u sheegay Somaliland iyo Puntland in bulshada Sool uga fadhiyaan sidii a y nabadda uga shaqeyn lahaayeen, colaadaha jirana ugu dhammeyn lahaayeen wadahadal iyo isfaham.

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa weli waxaa ka jirta colaad u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland, mana jirto xal rasmi ah oo la gaaray.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News