U bood dhigaalka

Dhageyso: Puntland Oo Beenisay In Ciidamo Ay Ka Goosteen

Sheeko:Amniga

Maamulka Degmada Taleex  ayaa beeniyey warar sheegaya in Somaliland ay ku biireen ciidamo ka goostay Puntland kuwaasi oo isku dhiibay Somaliland .

Guddoomiyaha degmada Taleex Maxamuud Cali Warsame ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in aysan jirin ciidamo ka goostay Puntland iskuna dhiibay Somaliland, isaga oo hoosta ka xariiqay in wararkaasi ay yihiin been abuur.

Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo ka soo goostay maamulka Puntland ay isku soo dhiibeen, labadan Maamul ayaa weli waxaa ka dhextaagan colaad taasi oo ka dhalatay cidda maamuleysa deegaanka Tuka-raq.

Halkan hoose ka dhageyso

 

 

 

Goobjoog News