U bood dhigaalka

Dhageyso: Qaad Maanta Lagu Qabtay Caasimadda Galmudug Ee Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Cabdulaahi Xasan Nuur maareeyaha garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in maanta garoonka diyaaradaha magaaladaasi ay ku qabteen hal jawaan oo qaad ah oo ka yimid magaalada Muqdisho.

Mareeyaha ayaa tilmaamay in diyaarad u kireysnayd dowladda federaalka islamarkaana ciidan la soo tababarayo uu qaadi rabtay Muqdisho ay ku qabteen jawaan qaad ah oo ay ka keentay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale Maareeyaha ayaa hoosta ka xariiqay in qaadka ay qabteen ay si toos ah ugu wareejiyeen laamaha amaanka ee magaaladaasi isaga oo xusay in dadkii ka dambeeyay falkaani la aqoonsaday islamarkaana tallaabo laga qaadi doono.

Ugu dambeyn waxa uu digniin u diray shacabka ganacsatada ah waxa uuna ugu baaqay in ay ka fogaadaan in caasimadda Galmudug ay qaad keenaan in xayiraaddu saarantahay dalka guud ahaan.

Halkan ka dhagesyo wareysiga maareeyaha

Goobjoog News