U bood dhigaalka

Dhageyso: Qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle Oo Ka Socota Jowhar

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha dhexe ayaa waxay sheegayaan in halkaasi aad looga dareemayo qabanqaabada loogu jiro doorashada madaxweynaha Hirshabelle.

Waxaa dib u habeyn lagu bilaabay hoolka loogu talogalay in ay doorashada ka dhacdo, iyadoo magaaladaasina ay gaareen siyaasiyiin badan.

Ammaanka guud ee magaalada Jowhar ayaa ah mid aad loo adkeeyay, iyadoo weli aysan  jirin cid shaacisay iney tahay musharrax madaxweyne.

14-kii bishan, xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa kalsoonida kala noqday madaxweynihii maamulkaasi Cali Cabdullaahi Cosoble.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News