U bood dhigaalka

Dhageyso: Roob Ka Da’ay Gaalkacyo Oo Saameeyey Barakacayaal

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa 24-ki saac ee lasoo dhaafay ka da’ay roob saameeyay dadka barakacayaasha ee ku dhaqan magaaladaasi.

Wariyaheenna Cali Cayn ayaa gaaray kaamamka barakacayaasha Gaalkacyo qaarkood, wuxuuna soo xog wareystay dadkii halkaasi ku dhaqnaa.

Dadkan ayaa waxay sheegeen in biyaha roobka usoo galay guryahoodii ka sameysnaa cooshada iyo bacaha la is dulsaaray, islamarkaana hadda aanay jirin meel ay roobka ka galaan.

Waxay dadkan tilmaameen iney u baahan yihiin gurmad degdeg ah, islamarkaana ugu horreyso bacaha roobka laga galo iyo wax ay cunaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News