U bood dhigaalka

Dhageyso: Sare u Kac Ku Yimid Qiimaha La Kala Siisto Qudaarta, Suuqyada Garoowe

Sheeko:Dalka

Qiimaha Khudaarta lagu kala iibsado ayaa sare u kacay suuqyada magaalada Garoowe iyo degaanno kale oo gobollada waqooyi ku yaalla.

Qiima kororka ku yimid khudaarta ayaa salka ku haya khudaar gobollada waqooyi uga imaan jirtay dhinaca Itoobiya oo la joojiyay.

Arrintaas ayaa sabab u ah colaad u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada wada deggan gudaha Itoobiya.

Ganacsatada Khudaarta ee Garoowe ayaa sheegaya in sare u kacani uu sii jiri karo haddaanan la helin ilo kale oo khudaarta ay ka imaan karto.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News