U bood dhigaalka

Dhageyso: Sarkaal Ka Tirsanaa Gobalka Banaadir oo Ku Geeriyooday Qaraxii  Muqdisho Ka Dhacay

Sheeko:Amniga

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa faahfaahin waxa uu ka bixiyay qaraxii saakay ka dhacay dhabarka dambe ee guriga Hooyooyinka kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyada oo qaraxaasina gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan booliska gobalka.

Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa sheegay in qaraxaasi uu ku geeriyooday sarkaal ka tirsan booliska gobalka oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Xuseen Cabdi Dhicisoow  waxa uuna sidoo intaas ku daray in qof la socday sarkaalka uu isagana qaraxa ku geeriyooday halka hal askari uu ku dhaawacmay.

Saalax Dheere ayaa tilmaamay in sarkaalka qaraxa loogu xiray gaarigiisa waxa uuna xusay inay wadaan baacsiga Al shabaab oo uu sheegay in muddooyinkii dambe ay marayaan heerarkii ugu dambeeyay.

Halkan ka dhageyso codka afhayeenka

Goobjoog News