U bood dhigaalka

Dhageyso: Shacab Waxyeello Kasoo Gaartay Duqeyn Ay Ciidanka Kenya Ka Fuliyeen Ceel-waaq, Gedo

Sheeko:Amniga

Ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa in dhibaato ay u geysteen dad shacab ah oo ku dhaqan degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo iyo deegaanno ku dhow degmadaasi.

Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa duqeyn ka fuliyey 72-kii saac ee lasoo dhaafay deegaanno dhowr ah oo ku dhow degmadaasi, halka sidoo kalena la sheegay in askar Kenyan ah ay qof shacab ah ku dileen degmada Ceel-waaq.

Buulle Cabdi Cilmi oo ka mid ah waxgaradka degmadaasi ayaa sheegay in shacabka walwal xooggan uu soo gaaray, islamarkaana ay ka baqayaan in xaaladdu ay kasii darto.

Wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan arrintan wax uga qabato, islamarkaana la joojiyo duqeynta ay wadaan diyaaradaha dagaalka ee Kenya.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News