U bood dhigaalka

Dhageyso: Shacabka Gedo Oo Loogu Baaqay Iney Ka Qeybqaataan Dagaallada Ka Dhanka Ah Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga ee maamulka Jubbaland, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka Gedo in kaalin ka qaataan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Kaliil ayaa sheegay in loo baahan yahay in reer Gedo u midoobaan dagaal lala galo Al-shabaab, si gacanta maamulkaasi loogu soo celiyo deegaannada ay dagaalyahannada ka maamulaan gobolkaasi.

Kaliil oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baardheere ee Gedo ayaa tilmaamay in Al-shabaab yihiin kuwo shacabka Jubbaland iyo guud ahaan kuwa Soomaaliyeed u diiddan nabad iyo horumar.

“Al-shabaab gobolka Gedo kuma joogaan awood dheeraad ah,  gobolkan waxa uu noqday meel ay isku uruursadaan oo ay uga duulaan tagaan Soomaaliya inteeda kale, sababaha ay u doorteen ayaa ah inuu yahay mid ballaaran, buuraley ah, xadna la leh dowladaha deriska ah” ayuu yiri Kaliil.

Ugu dambeyn, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo cid walbo oo taageerta dowladda in Al-shabaab laga saaro Gedo, gaar ahaan dhulalka buuraha ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News