U bood dhigaalka

Dhageyso: Shacabka Jowhar Sidee Ayeey u Arkeen Is Casilaaddii Jawaari?

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ayaa aragti kala duwan ka dhiibtay is casilaaddii maanta ee guddoomiyahii golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Qaar ka mid ah dadkan oo la hadlay Goobjoog News, waxay sheegeen in tabni ay tahay tanaasul loo baahnaa, islamarkaana uu Jawaari u fekeray si odaynimo ah.

Sidoo kale, waxaa jira dadka qaar oo sheegay iyaguna in aysan habooneyn xilligaan inuu Jawaari is casilo, islamarkaana taasi ay muujineyso in Soomaaliya shisheeye maamulaan waa sida ay hadalka u dhigeenne.

Halkaan hoose ka dhageyso aragtida shacabka Jowhar: