U bood dhigaalka

Dhageyso: Shacabka Ku Sugan Deegaanno Ku Dhow Balcad Oo Ka Cabanaya Xaalad Dhanka Nolosha Ah

Sheeko:Dalka, War

Shacabka ku dhaqan deegaanno xoogtaga degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay hayso, kadib fatahaad uu halkaasi ka sameeyey wabiga Shabelle.

Dadkan oo ku dhaqan Todobo Tuulo oo hoostaga Balcad ayaa sheegay in saameyn weyn ay ku reebtay fatahaadii Wabiga, waxaana ay dalbadeen gurmad degdeg ah.

Xaaji Xasan Xaaji Cali oo ah guddoomiyaha Tuulada Buulo Xaaji Cali ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in dadku u baahan yihiin gurmad dhan walbo ah.

Si gaar ah wuxuu guddoomiyaha ugu baaqay maamullada Balcad iyo Jowhar in ay dadkan wax u qabtaan ka hor inta aanay xaaladda ka darin halka ay haatan joogto.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News