U bood dhigaalka

Dhageyso: Shaqaalo Ajaanib Ah Oo Lagu Xiray Berbera

Sheeko:Amniga

Lix nin oo shan kamid ah yihiin ajaanib u dhalatay dalka Pakistan isla markaana kamid ahaa shaqaalaha dhisaya saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka dhisanayo magaaalada Berbera ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii lagu soo eedeeyay ugaadhsi sharci darro ah gaar ahaan waxaa la sheegay in ay ugaadhsanayeen Xayawaanka Deerada.

Anwar Xasan oo ah isku duwaha Wasaaradda deegaanka ayaa Goobjoog News uga warbixiyay xiritaanka ajaanibtan.

“Dad aan xirnay waxaa ay ahaayeen shan qof oo ajaanib ah iyo hal Soomaali ah waxaa ayna ka shaqeynayeen Saldhigga Imaaraadka uu ka dhisanayo Magaalada Berbera arrintani waxaa noo soo sheegay shaqaalaha garoonka”.

Shaqaalahan ayaa waxaa ay ka shaqeynayeen Saldhigga Imaaraadka ee Berber waxaa ayna gaarayaan lix qof oo mid ka mid ah uu Soomaali waxaana lagu eedeeyay in ay sameeyeen ugaarsi sharci darro ah sidaasna loo xiray.

 

 

Goobjoog News