U bood dhigaalka

Dhageyso: Shariif Roobow Oo Sheegaya In Magacaabista Hoggaanka Nisa Aysan Dowladda Umarin Waddo Sax Ah

Sheeko:Amniga

Qabiir Dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan waddo sax ah u marin magacaabista Taliyaha NISA iyo ku xigeenkiisa ee Jubbaland.

Korneel Shariif Roobow oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in dowladda looga baahnaa in ay ka talogeliso maamulka Jubbaland soo magacaabista saraakiishan.

Maamulka Jubbaland ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose kasoo musaafurinayaan saraakiil ka tirsan hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA.

Hay’adaha amaamnka Jubbaland ayaa shalay waxa ay garoonka Kismaayo ku qabteen Cali Mire Ducaale iyo Maxamed Ibraahim oo la sheegay iney kala ahaayeen taliye iyo ku xigeenkiisa oo dowladda federaalka u magacawday Jubbaland.

 

 

 

 

 

 

 

Goobjoog News