U bood dhigaalka

Dhageyso: Siyaasi Cabdi Shire “Maamul Goboleedyada Awood Uma Lahan Iney Xiriir La Sameeyaan Dowlad Kale”

Sheeko:Dalka

Siyaasi Cabdi Shire Warsame ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan maamul goboleedyada qaar iyo dowladda dhexe, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahanyahay in tilaabo ay ka qaaddo arrintaasi.

Mr. Shire ayaa sheegay in Maamul Gobaleedyada aysan awood u laheen in xiriir ay la sameeyaan dowlad kale, isaga oo tusaale kooban usoo qaatay ismaamulka Soomaalida Itoobiya in heshiis aysan dowladda Itoobiya ogeyn aysan geli karin.

Cabdi Shire ayaa ugu baaqay maamul gobaleedyadda hadii ay qabaan tabashooyin in ay la xaajoodaan dowladda federaalka Soomaaliya balse ay sumcad xumo u tahay inay garab socdaan.

Sidoo kale Cabdi Shire ayaa ugu baaqay dowladaha qaar ee farogalinta ku haya siyasadda dalka Soomaaliya in faraha ay kala baxaan si aan loo cuuriyaaminin jiritaanka dowladda Soomaaliya iyo shaqooyinkeeda.

Halkaan hoose ka dhageyso