U bood dhigaalka

Dhageyso: Siyaasi Maxamed Faroole Oo Ka Hadlay Arrimo Ku Xeeran Doorashada Puntland 2019

Sheeko:Amniga

Siyaasi Mohamed A. (Faroole), xilal kale duwan ka soo qabtay Puntland ayaa  wareysi gaar ah oo uu siiyay Goobjoog News kaga warramay arrimaha doorashooyinka ee ku soo food leh dowladda Puntland.

Waxaa uu ka dhawaajiyay walwal badan oo ay qabaan siyaasiyiinta iyo shacabka kaasi oo la xiriira in xukuumaddu qorsheyneyso “In ay dib u dhigto Doorashada”, arrintaas haddii ay dhacdo wuxuu tilmaamay siyaasi Maxamed Faroole in masuuliyadda wixii ka dhasha uu qaadayo madaxweynaha uu waqtiga ka sii dhammaanayo ee Cabdiwali Gaas

Doorashada madaxweynaha Puntland oo loo madlan yahay Jan, 08, 2019-ka ayaa weli waxaana ka hadlin madaxweynaha Puntland inuu yahay musharrax madaxweyne iyo in kale.

Arrinta soo xulista baarlamaanka cusub oo ka socota Puntland ayuu sheegay in ay jirto cabsi ah in musuqmaasuq ay lugaha la gasho oo xildhibaanno la soo saarto ay jiri karaan.

Siyaasi Maxamed Faroole, wuxuu ku dhaliilay xukuumadda hadda talada heysa ee Puntland  oo uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas, wuxuuna ku dhaliilay arrinta ammaanka oo ay ka gaabisay.

Waxaa uu soo hadal qaaday falalka amni darro ee ka dhaca had iyo goor magaalo xeebeedka Boosaaso kuwaasoo uu ku tilmaamay in ay muujinayaan heerka ammaan ee Puntland.

Siyaasiga Maxamed A. Faroole ayaa soo noqday Agaasimaha ciidamada Badda Puntland ee loo soo gaabiyo (PMF), La taliye Madaxweynaha Puntland, aas-aasaha warsidaha Garowe Online , waxaana la dhihi karaa siyaasiga kaliya ee ka hor yimid maadxweyne Cabdiwali Gaas seddexdii sano ee ugu dambeeysay.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Siyaasiga Oo Dhammeystiran:

Goobjoog News