Dhageyso: Siyaasi Sheegay In Masuuliyadda Khilaafka Ay Qaadanayaan Dowladda Iyo Dowladaha Xubnaha Ka Ah

Guddoomiye xisbi siyaasadeed ayaa sheegay in khilaafyada taagan ee siyaasadda dalka ay tahay masuuliyad wadareed ay wada qaadanayaan dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Guddoomiyaha xisbiga Dal dhis Cabdiraxmaan Xuseen Caddoow oo caawa la hadlay barnaamijka  Goobjoog News ayaa sheegay in wax badan aynaan ka soo bixi karaynin heshiiskii maalinkii arbacada ee todobaadkani magaalada Muqdisho uu ka shaaciyay Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Maxamed Cabdi Waare inuu la gaaray dowladda federaalka.

Wuxuu sheegay in khilaafyada u dhaxeeya xukuumadda Muqdisho iyo dowladaha xubinta ka ah ee kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland in masuuliyaddaasi ay tahay in dusha kaga dhacaysa labada dhinacba.

Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka Dal Dhis Cabdiraxmaan Xuseen Caddoow ayaa dhaliilay ammaanka magaaladani Muqdisho oo faraha ka baxay, wuxuuna intaas ku daray in dowladda looga baahan yahay shaqo badan.

Ugu dambeeyn wuxuu ka hadlay sida uu u arko qaabka lagu heli karayo haatan xal waara oo laga gaaro khilaafyada taagan oo laga muujinayo walaac ah in ay lugaha qabtaan dadaallada la doonayo in dalka uu horay ugu sii tallaabsado.

Siyaasi Cabdiraxmaan Xuseen Caddoow, ayaa kamid ahaa musharrixiintii u tartamay qabashada xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

 

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW