U bood dhigaalka

Dhageyso: Siyaasiyiin Sheegay In Madaxweynaha Kala Hadleen Dhismaha Banaadir State

Sheeko:Dalka

Xildhibaan hore Muxudiin Xasan Afrax oo wareysi siiyay  Goobjoog News, ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo dhoweeyay dhismaha maamul gaar ah oo uu yeesho gobolka Banaadir kadib kulan ay la yeesheen isaga, siyaasiyiin kale iyo waxgarad.

Afrax ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir  uu lamid noqon doono maamullada kale ee federaalka ee dalka ka dhisan si loo helo sinnaan.

Arrintani maqaamka magaalada Muqdisho ayuu sheegay in maalmahani ay ka wadeen gobolka Banaadir islamarkaana ay la kulmeen qaar kamid ah bulshada magaalada.

“Waxaan rabnaa in Muqdisho ay xuquuq yeelato, dowladdana ay joogto, sida loo kala leexinayo waa farsamo, waxaan kala hadleynaa cid walbo oo ay quseyso arrintani.. madaxweynaha aad iyo aad ayuu usoo dhoweeyay oo maqaamkeeda ay yeelato laakiin wax walbo bilow iyo dhammaad ayeey leeyihiin, laakiinse aragti ahaan wuxuu qabaa waxaan annaga qabno, wuxuu qabaa in Muqdisho ay xuquuqda ay leeyihiin gobollada kale ay leedahay, wuxuuna ballanqaaday in laga wada qeybqaadanayo lana hirgelinayo” ayuu yiri Muxudiin.

Xildhibaan Hore Muxudiin Afrax ayaa sheegay in maamulka ay rebaan tahay sida maamul goboleedyada, Muqdishana ay tahay meel Soomaali oo dhan wax laga siin doono balse la kala badsanayo.

Siyaasiyiin kasoo jeeda Muqdisho iyo waxgarad ayaa  maalmahan dambe u ololeynayey in Muqdisho ay hesho maqaam u gaar ah.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News