U bood dhigaalka

Dhageyso: Taliska Booliiska Oo Sheegay Iney Qabteen Hub Badan

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho kusoo qabteen hub aad u badan oo dhulka lagu aasay.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guute Zakiya Xuseen Axmed oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in sidoo kale ciidamada ay degmada Afgooye kusoo qabteen 35 ruux oo ku eedeysan Al-shabaabnimo.

Sidoo kale, Zakiya ayaa sheegtay in la fashiliyey qaraxyo iyo dilal qorsheysan Al-shabaab doonayeen iney ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News