U bood dhigaalka

Dhageyso: Taliyaha Booliska Gobolka Nugaal Oo Sheegay In Amniga Ay Adkeyn Doonaan Maalmaha Ciida

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Nugaal Faarax Warsame oo ka hadlayey howlgal ka socda gobolka Nugaal ayaa sheegay in maalmaha ciida ay sii laba jibaari doonaan sugidda amniga si looga hortago in maalmaha damaashaadka ay dhacaan falal amniga lidi ku ah.

Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Nugaal Faarax  ayaa tilmaamay in ciidamada amniga ee gobolka ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga isaga oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri .

“Maadaama  gabogabo ay tahay bisha Ramadaan maalmaha ciidana ay soo dhowyihiin waxaan rabnaa in ay dadka farxad ku ciidaan in adeegyada dadka ee ganacsigooda inaysan wax caqabad ah aysan la kulmin ayaan ku dadaaleynaa oo amni darro ah, sidaas darteed waxaan sii howlgalinay ciidamadii oo dhan “.

Dhanka kale taliyaha ayaa sheegay in tii ay sameynayeen ciidamada howgllada lagu xaqiijinayo amniga maalmaha soo socda ee ciida in ay soo qabteen dhallinyaro ku howlahaa falal lidi ku ah amniga kuwaasi oo geysanayey dhaca telefoonnada iyo kufsi intaba waxaa uuna yiri Taliyaha oo arrintaasi ka hadlayey.

“intii aan shaqada wadnay waxaa jira dad badan oo loo soo qabqabtay falal la xiriira amni darrada waxaa la soo qabtay dhallinyaro badanaa qaata telefoonnada kufsinna sameeya kuwaas ayaan soo qabanay”.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo beegmaya xilli ay fooda nagu soo heyso maalinta ciidulfidriga isaga oo tilmaamay in si weyn ay u adkeyn doonaan amniga gobolka nugaal.

 

 

 

 

 

 

Goobjoog News