U bood dhigaalka

Dhageyso: Waare Oo ka Hadlaya Xaaladda Amni Ee Deegaannada Hirshabelle

Sheeko:Amniga

Madaxaweynaha Dowladda Goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare Ayaa sheegay in ay wadadaan dadaallo lagu xaqiijinayo amniga deegaannada hoos yimaada Hirshabelle, halkaasi oo maalmihii dambe ay ka jireen falal la xariira amni darrada.

Waxaa uu tilmaamay inay wadaan ciidamada amniga howlgallo ka dhan ah Al-shabaab kuwaasi oo uu sheegay inay ka sifeyn doonaan deegaannada maamulka.

Madaxweyne Waare waxaa uu hoosta ka xariiqay inay caqabad kala kulmaan dagaal beeleedyada oo sida uu sheegay dhabar jab u ka ah howlgallada ay wadaan.

“Dagaalka beelaha waa dhibaato lagu carqaladeynayo dagaalka aan Shabaab kula jirno mar kasta markaan abaabul sameyno waxaa la carqaladeynayaa guulihii aan gaarnay ayaa lamaja xaabinaa”.

Deegaannada maamulka Hirshabelle ayaa waxaa ka jira isku dhacyo ku saleysan qaab beeleed kuwaasi oo ay ku daataan dhiig iyada oo ay u sii dheertay weerarada Al-shabaab ay ka geystaan.

 

 

 

 

 

 

Goobjoog News