U bood dhigaalka

Dhageyso: Wadahadal Mandhera Ku Dhexmaray Mas’uuliyiin Ka Kala Socotay DFS Iyo Kenya

Sheeko:Dalka

Magaalada Mandhera ayaa wadahadal horudhac ah waxa uu ku dhexmaray mas’uuliyiin ka socotey dowladda Federaalka, gaar ahaan maamulka Jubbaland iyo xubno ka socdey dowladda Kenya.

Ujeeddada  kulankaan ayaa ahaa in laga wadahadlo darbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso degmada B/xaawo, in la qaboojiyo xiisadahii jiray iyo arrimo kale.

Wasiir ku xigeenka arrimahagudaha Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in xubnaha ka socdey Kenya ay aqbaleen in la joojiyo dhismaha darbiga inta ay iska arkayaan mas’uuliyiinta Labada dal.

Sidoo kale, wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in la isla fahmay in aan la burburin guryaha ay dadka shacabka ah ku leeyihiin nawaaxiga xuduudda Labada dal.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayuu sheegay iney kulmi doonaan, islamarkaana ay go’aan siyaasadeed kasoo saari doonaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News