U bood dhigaalka

Dhageyso: Wararkii ugu dambeeyay shirka maamulka Koonfur Galbeed ee ka socda Baydhaba

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Baydhaba ka soconaaya shir balaaran oo la doonayo in maamul loogu sameeyo gobalada Koonfur Galbeed ee Sedaxda ah, waxaana shirkaasi ka qeyb galaaya waxgarad laga soo kala xulay gobalada Shabeelaha Hoose,Bay, iyo Bakool.

Hadaba shirkaan ayaa lagu soo waramayaa in xilligaan uu maraayo heer gaba gaba ah, waxaana ergada ay meel marin doonaan Dastuurka, ka dib waxa ay dooran doonaan hogaanka maamulkaasi.

Waxaa hadda soconaaya akhrinta Dastuurka maamulka Koonfur Galbeed uu yeelan doono, waxaana dastuurkaan markii akhrintiisa la dhameeyo ka dib ay ergada guda galayaan ansixintiisa.

Cabdullaaho Aadan Farey waa Afhayeenka Shirkaasi, isaga oo ku sugan magaalada Baydhaba ayuu sharaxaad guud ka siiyay halka ay hadda wax marayaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in hadda ay aad ugu rajo weyn yihiin inay dhameystiraan wax walba oo ku aadan dhismaha maamulkaan oo Dasuurtka ugu horeyn doono.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysi aynu la yeelanay Afhayeenka shir Koonfur Galbeed.

Goobjoog News