U bood dhigaalka

Dhageyso: Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Deegaannadii Ay Shalay La Wareegeen Al-shabaab Ee Sh/dhexe

Sheeko:Amniga

Dagaalyahanno ka mid ah Al-shabaab ayaa shalay la wareegay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe, si gaar ahna u hoostaga degmada Balcad.

Saakay ayaa lasoo sheegayaa in halkaasi laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo, iyadoo ciidanka xoogga dalka isku diyaarinayaan iney dib ugu laabtaan deegaannadaasi.

Al-shabaab ayaa dadka meel fagaare ah kula hadlay shalay, waxayna u sheegeen iney iyaga la shaqeeyaan.

Waxaa jira dad isaga barakacay deegaannada ay Al-shabaab qabsadeen, kuwaasi oo ka baqayey in waxyeello ay soo gaarto.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee Sh/dhexe ayaa sheegay in dib ugu laabanayaan dhammaan deegaannadan oo shalay ciidanku si iskood ah isaga soo baxeen.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News