U bood dhigaalka

Dhageyso: Warbixin Ka Hadleysa Diyaar Garowga Ciidda Suuqyada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa laga dareemayaa Suuqyada dharka ee magaalada Muqdisho Mashquul aad u baaxadweyn iyadoo foodda ay nagu soo heyso maalinta Ciidulfidriga.

Dadka ayaa waxay isku diyaarinayaan maalinta ciida waxayna gadanayaan dhar iyaga oo sidoo kale caruurta u iibinayo dharka ciida ee soo baxay sanadkan.

Waxaa mashquul ah inta badan Suuqyada waxaana ka mid ah Suuq Xamarweyne iyo Bakaaraha oo aad ay dadku u gadanayaan dharka.

Dadka ka tukaameysanayo Suuqyada waxaa ay tixgalinayaan rabitaanka caruurtooda waxaa ay uga dayaan dooqa ay caruurta carabaan waxaana ka mid ah dadkaasi Cabdullahi oo gabdhihiisa u iibinayo dharka ciida waxaa uuna la hadlay Goobjoog News xilli uu ku suganaa Suuqa Xamarweyne waxaa uuna yiri .

“Waxaan halkaani u imid in aan dhar u gado caruurteyda aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aniga iyo caruurteda aan ciidno”.

Ganacstada ayaa dharka ka keena wadamada Shiinaha iyo Hindiya waxayna dadka ka gadayaan qiimo kala duwan, ganacstada ayaa tilmaamay in xilliyada ay ciida ay tahay maalmaha ugu faa’idada badan suuqyada lagu iibiyo dharka.

 

 

 

Goobjoog News