U bood dhigaalka

Dhageyso: Warbixin Ka Hadleyso Xuska Maalinta Deegaanka

Sheeko:Caafimaadka

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee saameeya nolosha bani’aadanka waxaa ka mid ah sida uu u egyahay deegaanka uu ku noolyahay, kaasi oo ay ku tiirsantahay noloshiisa.

Dhibaatooyinka ka yimaada deegaanka ayaa saameyn ku yeelan kara bani’aadanka iyo duurjoogtaba.

Shanta June waa maalin loo asteeyay maalinta deegaanka, waxaana sanadkan diiradda lagu saarayaan ka wacyi-gelinta bulshada saameynta ay deegaanka ku yeelan karaan Bacaha .

Dhibaatooyinka soo wajaha deegaanka ayaa waxaa ka mid ah Bacaha iyo qashinka iyaga oo saameyn ku yeesha noolaha ku dhex nool deegaanka, sidoo kale Bacaha iyo qashinka ayaa waxay wasaqeeyaan hawada.

Haddaba muhiimad ceynkee ah ayey leedahay maalintaan waxaa ka hadlaya Sacad Shire oo ah bare ku taqasusay caafimaadka bulshada.

“Maalinta arrintaas loo sameeyay waxay aheyd in dadka laga wacyi-geliyo waxyaabaha dhibaateyn kara deegaanka lagana hortago xaalufidda lagu hayo deegaanka iyo dhirtaba, waana sababta loo sameeyay in la helo maalin deegaan”.

Saynas-yahannada ka faalooda arrimaha deegaanka ayaa waxay ku talinayaan in bulshada ay ka shaqeeyaan sidii uu deegaanka u noqon lahaa mid qurxoon oo ka caagan wasaqda iyo xaalufinta.

 

 

 

 

Goobjoog News