U bood dhigaalka

Dhageyso: Warbixin Ku Saabsan Degmo Ka Tirsan Gobalka Banaadir Oo Aan Lahayn Xarumihii Danta Guud Ee Bulshada Loogu Adeegayay

Sheeko:Dalka

Ibraahim Xaaji YuusufDegmo walba oo dalka ka mid ah, waxaa muhiim ah in ay yeelato xarumaha danta guud, sida Isbitaalo, goobo waxbarasho iyo adeegyada amniga sida saldhiga ciidamada.

Degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, waxa ay 17 ku noqotay degmooyinka gobalka Banaadir, waxaana degmo ahaan loo aqoonsan yahay Sanado aan badneyn, hase ahaatee ilaa iyo xilligaan malahan adeegyada bulshada.

Kaxda malahan xarumaha caafimaadka, sida kuwa hooyada iyo Dhallaanka, Suuq laga dukaameysto, Saldhiga ciidamada Booliiska, wadooyinka dhisan iyo waxyaabo kale oo muhiim u ah degmadaasi.

Intaasi oo dhan waxaa dadka ku dhaqan degmada Kaxda usii dheer in qiimaha gaadiidka dadweynaha lagu raaco qiimo ahaa ka badan yahay kuwa kale ee degmooyinka lagu raaco.

Cabdikaamil Yuusuf waa gudoomiyaha degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir, Idaacadda Goobjoog ayaa weydiisay sababta keentay ilaa iyo xilligaan in degmada ay ka maqan yihiin adeegyada Bulshada muhiimka u ah, waxaana uu sheegay in dhawaan la filayo waxyaabo badan in la qabto.

“Xarumahii danta guud waxaa jira kuwo hadda lagu sii shaqeeyo, in la dhisana gobalka Banaadir ayaa balan qaaday waana uu sameynayaa, waxaa jirta mashruucii lagu dhisaayay degmada in uu bilawday, naloo sheegay inta qarash ee nalagu bixinaayo, dhulkii lagu dhisi lahaa xarunta degmada oo yeelanaysa dhamaan wixii degmo lahayd, oo ay ka mid yihiin xafiisyadii oo oo ilaa 11 xafiis ah, howlkii shirarka iyo Garoonkii Tartamada, sidoo kale suuq in naloo sameynayo oo ka kooban ilaa afar Boos ayaa naloo sheegay, sidoo kale waxaa nalo sheegay in naloo keenayo 20 xabo oo nalalka cadceeda ku shaqeeya, waana soo saxiixnay, waxaynu rajeynaynaa in la bilaabo, degmada Isbitaal weyn oo ku yaala waxaa jira hal xabo oo naga fog, laakiinse malahan Isbitaalo waaweyn oo wax ka qabanaya xaaladaha dadka barakayacaasha” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Kaxda.

Inkastoo degmadaasi ay ka tirsan tahay gobalka Banaadir ayaa hadana dadka halkaasi ku dhaqan, gaar ahaan kuwa soo barakacay waxa ay ka cabanayaan in aysan haysan Isbitaalo, iyaga oo ka dalbaday Dowladda Federaalka, Hay’adaha samafalka ah iyo dadka Soomaaliyeed intaba in ay la gaaraan gurmad deg deg ah.

“Anaga oo barakacayaal ah waxaa inoogu darsamay dab, waxaan ka codsaneynaa walaalaheena muslimiinta ah in ay hoy. Biyo iyo raashiin rabno, banaanka ayaan joognaa, qaarkeen waa Umul, kuwo waa xaamilo, waayeel caruur iyo kuwo aan wax owlaad ah dhalin, maalintii Geedaha ayaan hoos hergalnaa, ilmaha ayaa naga baaba’aya qabow waa uu na dilay, deg deg wax hanala soo gaaro” sidaasi waxaa Goobjoog Fm u sheegtay mid ka mid ah Haweenka halkaasi ku dhaqan.

Maamulka Gobalka Banaadir oo shaqadiisu ay ka mid tahay in degmooyinka uu ka hirgeliyo dhamaan adeegyada Bulshada ayaa ilaa iyo xilligaan Hal xarun oo ay ka hirgeliyeen degmada Kaxda.

Agaasimaha Xiriirka degmooyinka ee maamulka Gobalka Banaadir Mukhtaar Cabdi Dhega Cadde ayaa Goobjoog weydiisay waxa ka hortaagan in xarumahaan danta guud laga hir geliyo degmada Kaxda isaga oo sheegay in hadda ay socoto howlaha degmadaan.

“Markii la dejinaayay qorshaha lagu habeynayay saldhigayada iyo xarumaha kale ee degmooyinka gobalka iyadu ma aanay jirin oo gadaal ayaa laga soo dhisay, hase ahaatee waxaa lagu guuleystay in IOM, USAID iyo Gobalka ay soo arkeen meelihii saldhiga iyo xarumaha kale laga dhisi lahaa taasna la’isku af gartay, shaqadaasna waxay bilaaban doontaa bisha soo socota” Mukhtaar Cabdi Dhega Cadde ayaa sidaasi yiri.

Degmo walba in ay yeelato xarumaha dadnta guud ee loogu adeego dadka shacabka ah, waxa ay kaalin ka qaadanaysaa horumarka iyo nabadda degmo walba oo ka tirsan gobalka.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warbixintaan oo uu soo diyaariyay Wariyaheena Ibraahim Xaaji Ibraahim.

Goobjoog News