U bood dhigaalka

Dhageyso: Warbixin Ku Saabsan Farqiga u Dhaxeeya Caruurta Waalidkooda La Nool Iyo Kuwa Ku Nool Darbiyadda

Sheeko:Dalka

caruuurMagaalada Muqdisho ee caasimada dalkeena waxaa ku nool caruur aad u badan, kuwaa oo Laba loo kala qaaday qaabka noloshooda, waxa ayna kala yihiin kuwo waalidkooda ama ehladooda la jooga iyo sidoo kale kuwo banaanka ku nool, loona yaqaan Darbi jiifka.

Caruurta waalidkooda la nool waxa ay badi helaan daryeel wanaagsan iyo waxyaabo badan oo aysan heli karin kuwa kale.

Caruurta qaar ee darbiyadda jiifa waxa ay cabaan moondooriyaha loo yaqaano Koolada, habeenkii dhaxanta ayaa dushooda ku dhacda, mana helaan daryeel caafimaad iyo sidoo kale cunto ku filan.

Qaarkood caruurtaan waxa ay aad ugu hamiyaan in ay wax bartaan waa hadii ay arkaan dad caawiya.

Wixii ka dambeeyay burburka dowladii dhexer ee dalka, ayna bilawdeen dagaalada sokeeye waxaa meesha ka baxay daryeelka ay heli jireen caruurta, iyadoo ilaa iyo iminka aanay jirin wax rasmi ah oo caruurtaan loo qabtay.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News