U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasaaradda Amniga: Ma Jirto Qalab Ciidan Oo Lagu Boobay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar la isla dhexmarayey oo sheegay in la boobay qalab ciidan oo magaalada Muqdisho keentay dowladda Imaaraadka, kuwaasi oo yaalla xerada Jeneraal Gordon.

Afhayeenka wasaaraddan oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in wararkaasi yihiin kuwo la been abuurtay, islamarkaana aanay ciidanka qalabka sida ku kicin falalkaan boobka ah.

Waxa uu Afhayeenka sidoo kale sheegay in aanay waxbo ka jirin wararka kale ee lagu sheegay in xerada Jeneraal Gordon ku dhex dagaallameen ciidmada dowladda.

“Waxaan rabnaa inaan idiin xaqiijinno inaanay jirin wararka ay baahinayaan warbaahinta qaar ee ah in ciidamada qalabka sida ay boobeen qalab ciidan, dhinaca kale ma jirto wax iska horimaad ah oo ka dhex dhacay ciidamadeenna, kana dhacay xerada ay imaaraadka ku tababarayeen ciidanka”

Waxaa jirar warar maalmahan dambe ay hadal hayeen dadka Muqdisho, kuwaasi oo ay ku sheegayeen in la boobay qalab ciidan oo yaallay xerada Jeneraalka Gordon, inkastoo aan la ogeyn halka ay dadku warkaan ka keeneen.

Halkaan hoose ka dhgayso:

Goobjoog News