Dhageyso: Wasaaradda Amniga Oo Sheegtay In Gacanta Lagu Dhigay Rag Amni Darro Ka Waday Muqdisho

Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney ciidamada dowladda gacanta ku dhigeen rag amni darro ka waday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Afhayeenka wasaaradda, C/casiis Xildhibaan ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in ciidamada ay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo guud ahaan falalka amni darro.

Waxa uu tilmaamay afhayeenka iney qabteen nin ka tirsan Al-shabaab oo waddo ka mid ah kuwa Muqdisho ku aasayey walxaha qarxa, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale, Afhayeen xildhibaan ayaa sheegay in ay jiraan dad kale oo loo hayo iney maleegayeen falal amni darri, islamarkaana baaritaan lagu hayo.

Afhayeenka ayaa dhanka kale, shacabka ku nool magaalada Muqdisho waxa uu ka codsaday iney la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, si looga hortago falalka amni darri.

Halkaan hoose ka dhageyso:

120301_004

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW