U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasiirka Cadaaladda Oo Aqalka Sare u Akhriyey Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuqa

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda cadaaladda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta aqalka sare u akhriyey Hidise sharciyeedka la dagaalanka musuq maasuqa, kaasi oo ay horey usoo ansixiyeen xildhibaannada golaha shacabka.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in marka ay meelmariyaan xildhibaannada aqalka sare loo gudbin doono madaxweynaha, markii uu saxiixana uu sharci noqon doono.

Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq Maasuqa ayaa waxaa horay u soo ansixiyay golaha shacabka November 13, 2017, waxaana la filayaa in aqalka sare kadib uu madaxweynaha  saxiixo, lagu daabaco faafinta rasmiga si loogu dhaqmo.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga: