U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasiirro Iyo Saraakiil Ciidan Oo Ka Qeybgalay Kulan Looga Hadlayey Amniga Muqdisho

Sheeko:Amniga

Kulan looga hadlayey amniga Muqdisho ayaa xalay ka dhacay xarunta dowladda Hoose ee Xamar, waxaana kulankaan ka qeybgalay wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, saraakiil ciidan, duqa Muqdisho iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Ulajeedka kulankan ayaa ahaa ka hadlista amniga magaalada Muqdisho, qaabkii loo sugay amniga magaalada inta lagu guda jiray bisha Ramadan, barnaamijka deriseynta iyo adeegyada Bulshada.

Wasiirada ka qeybgalay kulankaan waxaa ka mid ah wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaalle Bayle, wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye iyo wasiirro kale.

Duqa Muqdisho, C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in muhiim ay tahay kala warqaadashada si ay u sahlanaato in la helo nabad iyo horumar, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyey wasiirada.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News