Dhageyso: Waxgaradka DDSI Oo Madaxweynaha Cusub Ka Rajeeyey Isbedal

Waxgaradka ku nool deegaannada DDSI ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee maamulkaasi ka rajeynayaan inuu la yimaado isbedallo cusub oo loo riyaaqo.

Suldaan C/laahi Cabdi Macallin Xasan oo ka mid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in muddo badan ay dhibaato ku jiraan shacabka DDSI uuna ku hayey maamulkii Cabdi Iley.

Waxa uu sheegay in dhibaato badan kadib hadda ay dareemayaan nafis badan islamarkaana ay rajeynayaan in madaxweynaha cudub ee DDSI la yimaado waxqabad muuqda.

Soomaalida ayuu sheegay iney soo dhoweynayaan in la qabto cid walbo oo dhib ku haysay shacabka DDSI.

Dhanka kale, waxa uu talo ahaan soo jeediyey in mucaaradkii maamulkii Cabdi Iley wanaagsan tahay in dhankoodana wax laga siiyo talada gobolka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW