U bood dhigaalka

Dhageyso: Waxgaradka Galmudug Oo Baaq Ka Soosaaray Khilaafka Madaxda Maamulka

Sheeko:Dalka

Dowlad-goboleedka Galmudug waxaa ka jira kala aragti duwanaasho siyaasadeed taasi oo soo kala dhex gashay madaxda ugu sarreysa maamulkaasi.

Khilaafka ka dhaxeeya madaxda Galmudug ayaa noqday mid maalmihii dambe cirka isku sii shareerayey iyaga oo is dhaafsanayey hadallo kul kulul.

Mas’uuliyiinta uu khilaafka ka dhaxeeyo ayaa waxay ku kala suganyihiin magaalooyinka Cadaado iyo Dhuuso-mareeb waxuuna khilaafkooda uu salka ku hayaa awood qeybsiga maamulka.

Sidoo kale madaxda maamulka ayaa waxay isku heystaan dhaqan gelinta heshiiskii Jabuuti ee Ahlu-sunna iyo Maamulka Galmudug ee ay ku soo kala saxiixdeen halkaasi, iyada oo madaxda qaar ay sheegayaan in lamarin habaabiyey heshiiskii.

Waxgaradka Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay madaxda sare ee Galmudug in ay xiisadda dhexdooda ah ay qaboojiyaan isla markaasna waxwalba wadahadal lagu dhameeyo.

Halkaan Ka dhageyso