U bood dhigaalka

Dhageyso: Xiisad Dagaal Oo Laga Soo Sheegayo Gobolka Sanaag

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal, taasi oo u dhaxeysa beello walaalo ah oo wada deggan degmada Ceel-afweyn.

C/risaaq Maxamed oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in xiisadda ka taagan degmadaasi ay ka dhalatay dad shacab ah oo lagu dilay halkaas.

Wuxuu sheegay in xilli walbo la filan karo dagaallo ka dhaca degmadaasi, maadaama la arkayo maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil oo hub uruursi wada.

Marar badan, Ceel-afweyn waxaa ku dagaallamay maleeshiyo beeledyo, iyadoo shacab aan waxbo galabsanna lagu dilay halkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News