Dhageyso: Xiisad u Dhaxeysa Galmudug Iyo Ahlu-sunna Oo Laga Soo Sheegayo Galgaduud

Xiisad dagaal oo u dhaxeysa maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca ayaa laga soo sheegayaa in saakay ay ka jirto deegaanno kamid ah gobolka Mudug.

Ciidamada Ahlu-sunna ayaa la xaqiijiyey iney dib ula wareegeen deegaanka Mareergur, waxaana jira deegaanno kale oo ciidamadan isku horfadhiyaan.

Sidoo kale wararka ayaa tilmaamaya in Labada dhinac isku horfadhiyaan deegaanka Mareergur, xilli walbana halkaasi la filan karo dagaallo.

Ma jirto wax dedaal ah oo xiisadda Labadan dhinac lagu qaboojinayo, iyadoo marar badan sidan oo kale ay Galmudug iyo Ahlu-sunna ugu dagaallameen Galgaduud.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

 

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW