Xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaankii Sagaalaad ayaa sheegay in shirkii Baydhabo aynaan ka soo bixin wax dan u ah umadda Soomaaliyeed.
Cabdi Barre Jabriil ayaa qaba shirkii Baydhaba inuusan wax kaga duwaneyn shirar hore u dhacay intii dowladdani ay jirtay, isagoo riyo maalmeed ku tilmaamay in doorasho cod iyo qof ah ay dalka ka dhacdo sanadka marka la gaaro 2020-ka.
Wuxuu xaqiijiyay in heerka ammaan ee Soomaaliya uu aad uga hooseeyo sanad ka hor markii ay imaanayeen madaxda hadda talada heysa waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dhanka kale, Cabdi Barre ayaa sheegay in waxyaabaha ugu weyn ee xilligaan ahayd in xoogga la saaro ammaanka dalka oo maalmihii ugu dambeeyey ka dhacayeen falal amniga liddi u ah.
Halkaan hoose ka dhageyso:
Goobjoog News