Dhageyso: Xildhibaan Hore Cabdicasiis Yuusuf “Walwal Weyn Baan Ciidanka Badda Itoobiya Ka Qabaa”

Soomaaliya ayaa Itoobiya u saxiixday bartamaha sanadkani 2018-ka in ay maalgashato xukuumadda Addisababa afar dekaddood oo ku yaalla dalkani.

Xildhibaan hore DR Cabdicasiis Sheekh Yuusuf Ibraahim oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa walaac ka muujiyay dhisitaanka ciidanka badda oo dowladda Itoobiya ay si weyn u qorsheyneyso iminka.

Itoobiya waxay wadaa dadaal ballaaran oo ku aadan sidii ay u dhisan lahayd ciidan badeed oo xoog badan awoodna u leh in badda ay ka howlgalaan gaar ahaan badda cas iyo badweynta hindiya oo u dhow.

Cabdicasiis ayaa soo dhoweeyay kulanka seddex geesoodka ah ee madaxweyneyaasha Farmaajo, Afawerki iyo Raysal wasaare Abiy ay ku yeelanayaan Itoobiya, wuxuuna sheegay in dalalka deriska ah ay iska kaashadaan ganacsiga, nabadgalyada iyo arrimaha kale ee nolosha bulshada ku saleysan ay muhiim tahay balse walwal uu ka qabo ciidanka badeed.

“Walwalka aan qabo waxaa weeye, in dalkeenna oo 15 Malyan lagu sheego dadkiisa ay si xoog ah oo siyaasadi ku jirto ay u qaadato Itoobiya oo 100 Malyan ah ciidan ahaan ama shacab ahaan waana sida ay hadda howsha ku socoto” ayuu yiri DR Cabdicasiis Sheekh Yuusuf.

Ugu dambeeyn, wuxuu soo jeediyay in Soomaalida ay ka feejignaato arrintaasi oo uu ku sifeeyay mid lagu degdegayo, dhowr arrimood buu u sababaynayaa.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News

Related Articles

5 Comments

  1. Mudane Cabdicasiis Sheikh Yuusuf waan la qabaa welwelka xagga ciidanka badda Itoobiya.
    A. Sannadkii tegey bartamihiisii baa uu Farmaajo Itoobiya u saxiixay, nusa saac gudihii, afar dekadood oo Soomaaliya ku taal.
    B. Hadda waa kaas Farmaajo looga yeeray Itoobiya. Laguna soo aaddiyay joogitaankiisa Itoobiya go’aan ah in Itoobiya ay
    sameysaneyso ciidan xooggan oo xagga badda ah.
    C. “Annagu waxaan nahay qaran weyn oo ka badan bolo malyan oo ruux. Ma jirto sabab aan u ahaan karro bad la’aan”. Sidaa waxaa yiri
    Abbaanduule-ku-xigeenka ciidamad qalabka sida ee Itoobiya. Hadalkan waxaa lagu soo beegay booqashada Farmaajo ee Itoobiya.
    D. Hadda Abiy Axmed ayaa sheegay in saddexda dal ee Somalia, Eritreeya iyo Itoobiya aysan mustaqbalka lahaan doonin saddex
    madaxweynayaal. Hadalkaas wuxu kaga dhawaaqay shirka Bahar daar ee hadda u soicda saddexda dal: http://puntlandi.com/?
    p=11069.

    Farmaajo dalkan wuu iibinayaa si’ uu u bisleysto xoogaa sandareerto ah oo uu la cararo, kulana noqdo Mareykanka iyo marqaankiisaa inta ka harsan cimrigiisa.

    Farmaajo waxaa u daran xoogaa faroqabsi ah oo uu ku marqaamo intuu nool yahay. Ruuxaan miyirka ka xanuunsan, malaha, han kaleba ma leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW