U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Jeesow Oo Taageeray Xil Ka Qaadistoo Cosoble

Sheeko:Baarlamaanka

Xidhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa taageeray xil ka qaadistii Isniintii shalay ay xildhibaannada Hirshabelle ku sameeyeen madaxweynahooda.

Jeesow ayaa sheegay in tani ay muujineyso in la doonayo isbedal, islamarkaana sidoo kale muhiim ay tahay in la helo Hirshabelle oo ka dhaqaaqda halka ay hadda joogto.

Sidoo kale waxa uu Jeesow sheegay in mudadii uu jirey maamulka Hirshabelle aanay jirin wax la qabtay, wasiirada markii la dhisayna illaa hadda aanu jirin kulan ay isugu yimaadeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Anigu ka xildhibaan ahaan waan joogay mudadii uu socday shirkiii lagu dhisayey Hirshabelle, nasiib wanaag waxay noqotay Hirshabelle mid aan ka dhaqaaqin meeshii aan uga soo tagey, waxay noqotay mid aan qaadin talaabadii la rabay, weli ma jirto meel ay ku shireen golaha wasiirada Hirshabelle, waxaan leeyahay isbedalka dhacay waqtigii loo baahnaa ayuu kusoo aaday, waayo isbedal ku yimid xildhibaannada deegaanka loo doortay ay waajibkooda ku guteen ayaan u haystaa”

Xildhibaan Jeeso oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Annaga dhinac aan la jirnay maleh, waxaa dhabtii ah Afar Todobaad kahor xildhibaannada Hirshabelle kasoo jeeday markii la ansixinayey shir ayaan qabannay, waxa laga dhawaajiyey waxay ahayd maxaa la faa’iday marka la dhisay Hirshabelle, xildhibaan naga mid ah ayaa sheegay kaliya in la faa’iday calankii, astaanta iyo magaca”

Shalay, xildhibaannada Hirshabelle kulan ay ku yeesheen magaalada Jowhar waxay kalsoonida kala laabteen madaxweyne Cosoble.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News