U bood dhigaalka

Dhageyso: Xirnaashaha Waddooyinka Oo Saameyn Ku Yeeshay Ganacsiga Ciidda

Sheeko:Dalka

Suuqyada Muqdisho oo lagu iibiyo dharka ciidda waxaa ka jira diyaar garowgii ugu dambeeyay maadaama ciidda ay ka dhimanyihiin maalmo qura.

Ganacsatada Suuqyada ayaa waxay sheegayaan in jidadka oo xiran owgeed ay yaraadeen dadkii ka gadan lahaa dharka ciida sida uu Goobjoog News u sheegay Maxamed Maxamuud Mahdi oo ka mid ah ganacsatada Suuqa Xamar-weyne.

“Ciiddaan iyo ciiddii hore isku mid maahan, Ciiddaan waxaad moodaa dhanka waddooyinka in ay cariiri yihiin wayna xiranyihiin dadkii noo imaan jiray qaarkood ma aanan helin ciiddaan waddooyinka oo xiran darteed”.

Haween carruutooda lugeysiinayo ayaa boox dhaafiyey Suuqa iyaga oo iibsanaya dharka, balse caqabadda jirta ayaa ah in jidadka ay xiranyihiin degmooyin fogfogna lug kaga yimaadeen .

Dadkan ayaa dowladda waxay ka dalbanayaan in waddooyinka loo furo si dharka ciidda ay u iibsadaan iyaga oo gaadiidkooda la soo galayo Suuqa.

Dadka Suuqa lugta ku yimid waxaa ka mid ah Zamzam Maxamed Maxamuud oo gacmaha ka heysay ilmo ay dhashay waxay Goobjoog News u sheegtay in ay ka soo lugeysay degmada Xamar-jajab iyada oo u soo baxday in caruurteeda ay dhar ciid u soo gado sidaasna ay lug ku timid Suuqa Xamar-weyne.

“Waxaan ka imaaday degmada Xamar-jajab waxaan u soo baxay ilmaha inaan dhar ciid u soo doono, balse magaalada dhan waa ay naga xirxirantahay”.

Dadka Suuqyada ka iibsanaya dharka ciida ayaa hoos u dhacay sanadkan iyada oo loo sababeynayo waddooyinka muhiimka oo ay xirtay dowladda Federaalka.

 

 

 

Cali Aadan Muumin

Goobjoog News