U bood dhigaalka

(Dhageyso+Sawirro) Shir Ku Saabsan Daabacidda Lacagta Shillinka Soomaaliga Oo Muqdisho Ka Dhacay

Sheeko:Dalka

Shir ballaaran oo  lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa lagaga hadlay dadaallada dowladda federaalka ay ugu jirto soo daabacidda lacag cusub oo shillin Soomaali.

Raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali oo shir guddoomiyay kulankani ayaa diiradda lagu saaray qorshaha lacag cuusb oo dalku uu yeesho iyadoo intii burburka lagu jiray aynaan jirin lacag wadanka loo soo daabacay.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka ayaa shirka ka qeyb galay waxaana ka mid ah wasiirka maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle iyo wasiirka qorsheynta xukuumadda Jamaal Maxamed Xasan.

Dr. Bayle ayaa caddeeyay in la qaban doono kulan kale oo ballaaran kaas oo looga arrinsan doono soo gebagabaynta qorshaha daabacaadda lacagta cusub ee dalku yeelanayo, kaddibna laga shaqeysiinayo shirkaddii lacagta daabici lahayd.

Wasiirka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in hay’adda lacagta aduunka ee IMF iyo dowladaha deeq bixiyeyaasha ahi ay kaalin mug leh iminka ka qaadanayaan qorshaha lacagta loogu soo daabacayo Soomaaliya.

Wuxuu taas sabab uga dhigay in dowladda federaalka ay buuxisay shuruudihii laga rabey.

Hay’adda IMF ayaa siinaysa dowladda Federaalka dakhli gaaraya  $41 million oo Dollarka Maraykanka ah oo loogu tala-gallay in lagu bixiyo qarashaadka wajiga koowaad ee hanaanka soo daabacaadadda lacagta cusub.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir Beyle:

Goobjoog News