U bood dhigaalka

Dhakab Gurey “Guul Ayay Noo Tahay Helitaanka Garoonka Mira-Aware”

Sheeko:Cayaaraha
Dhakab Gurey Yamani oo ka mid ah xidigaha kooxda Horseed ee Puntland,sidoo kale labo jeer fiinalaha la yimid kooxda Puntlad tartankii kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa guul iyo horomar ku tilmaamay quruxinta iyo dhigista rooga cagaaran garoonka Mira-Aware ee magalaada Garowe,wuxuuna howshan ugu mahad celiyay dadkii is xilqaamay tan iyo bilaawgii mashruucan.
“Ciyaartooyda Puntland way ku faraxsanyihiin quruxinta iyo dib u dhiska garoomada Kubbadda cagta,tani waxa ay ka qeyb qaadanaysaa horomarka iyo guulaha kubbadda cagta,mustaqbalka dhaw waxaan arki doonaa Puntland oo ay ka soo baxaan ciyaartooyd badan oo matasha Xulka Qaranka” ayuu Goobjoog Sports laacib Dhakab Guurey oo ka tirsan naadiga Horseed.
Si kastaba Bahda ciyaaraha Puntland ayaa ka mahad celiyay qurxinta garoomada,waxayna sheegeyn in ay sugayaan in la dhamesytiro dhamaan garoomada kubbadda cagta ee deegaanada Puntland.