U bood dhigaalka

Dhakhtar Ay Noloshiisa Ku Tiirsan Tahay Ka Ganacsiga Xarko Iyo Alwaaxyo

Sheeko:Dalka

Qurba joogta Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya ayaa mashaariic kala duwan dalka ka hirgaliyey kuwaas oo badankood aan dalka horay loogu arag.

Talaabooyinka ganacsi ee qurba joogtu ay Muqdisho ka hirgaliyeen waxa ay isugu jiraan kuwa bulaalay iyo mid aan lagu guuleysan in uu mira dhalo ama faa’iido in laga helo.

Ganacsiga Qurba joogta oo u muuqda mid laga  soo miin guuriyey ganacsiga dibadda haddana waxaa ku nool oo shaqo iyo wax dheefba uu u yahay qoysas badan oo Soomaali ah.

Ilyaas Abuukar Sheekh Cabdi waa muwaadin Soomaaliyeed,  waxa uu dib uga Soo laabtay Yemen Waana hal abuuraha ganacsi uu ka unkay geedo la qoray iyo Xarko leysku geeyey Si uu u maareeyo nolosha reerkiisa.

Qalabka gacan ku sameyska ah ee nolosha reerkiisa uu ku maareeyo ilyaas waxaa ka mida  Gambarrada, Sariiraha, Kursi Jiifka, Salootooyinka iyo qalabka lagu dabaasho ee badda oo dhamaantood uu ka sameeyay geedo iyo xarko.

“Waxaan dib uga Soo laabtay Yemen oo aan  qaxooti ahaan u degenaa in ka badan labaatan Sanadood Carruur fara badan ayaana iigu dhalatay iminka oo aan Muqdisho joogo waxaan nolosha reerka ku maareeyaa Sameynta Gambarrada,Sariiraha,Kursi Jiifka,Salootooyinka iyo qalabka Lagu dabaasho ee badda oo aan dhamaantood ka sameeyey qalab ka kooban Alwaax iyo xariga Binjiga loo yaqaan.

Waxaan taas ugu bareeray Adeer anigoo aqoon yahan ah maankana ku haya Batch Caafimaad ayaan ahay oo yemen wax ku bartay inaan ka dheeraado tuugsi iyo dabka ilmuhu inuu iga damo” Ayuu Goobjoog FM u sheegay Ilyaas oo ah hal Abuure ganacsiga Ilmaha lagu nooleeyo.

Da’ahaan ilyaas waxa uu iminka ku dhow yahay 60-Sanadood farsamadiisaan gacanta ee uu xariga u adeegsaday ka hor talaabadaan waxa uu goobjoog u ahaa iyadoo Xaskusha laga sameeyo balse waxa uu sheegayaa maadaama uu ilbax yahay in nabaad guurka dalka aawadii uu door biday in xarigaan u isticmaalo ee Binjiga ay Soomaalidu ugu yeerto.

‘’Aniga Ceyngariga ama xariga binjiga u badalay maahane Konton Sano ka hor waxaa lagu sameyn jiray Xaskul Waa Geed miyiga laga helo kana baxa marka Si dalku uusan u nabaad guurin ayaan xarigaan u door biday’’ Waxaa Sidaas Goobjoog FM u Sheegay hal abuure ganacsi ilyaas.

Ilyaas Abuukar Sheekh Cabdi ma aha Abwaan  balse waxa uu ii sheegay markuu arkay duruufaha dhallinyarada haysta in uu tiriyey tix uu sidan u cabiray Tahriibta taabanaysa.

‘’Maadaama Go Soomaaliyey talo Adigaa ku noole iyadu kuguma noola midda ina hortaalana waa ubad taag daranoo tabantaabo daayoo la taageerin waligood waxaad tix raacdaan taladii wacneyd leego waagii hore tiri isku tiirsanaada hadba kiina tag daran taageera waligiin Hadaan taa layeeleen waa inaan kala tagnaa dhoof tacbiir soconaa markay talo xumaataa Badda nalagu tuuraa kuwaa tooda galinbaa u taga shisheeyaha Tuugsi gacmaha dhiganaa dalkana Cid u talisaa la waa yaa’’ Waa Tix dhibaatada uu ilyaas arkay ka dib maskaxdiisa ku dhashay.

Ilyaas waxa uu wali xasuustaa dhibaatadii uu kala kulmay dib ugu soo laabashadiisii dalka hooyo ee uu Yemen kaga soo qaxay.

Dhibaatadii xilligaas ayuu u arkay in dowladdu ay ka gaabisay u gurmashada Soomaalidii Yemen ka soo laabanaysay tixdaan ayuuna ka curiyey madaxda iyo fadhigooda.

‘’Madaxnimadu waa  maamuus iyo maqaam ,mowleheen ilaahbaa midkuu doona siiyoo marna lama marooqsado maamule sare iyo hadii madax lagaa dhigo ummadda u maciin maareeye dhaba noqo,Maanka waxaad ku heysaa xilku meerta inuu yahay sharciguna miisaan yahay

Hadaad marin habaawdoo sharcigaba meesha aad ka soo saarto marbaa lagula xisaabtami oo laguugu maadsan doonaa’’ayuu  Goobjoog FM u sheegay Ilyaas Waxa uuna tixdaan uu alifay markuu qaxa ahaa ee uu ku dhibaatoonayey Yemen.

Ilyaas Abuukar Sheekh Cabdi oo ah hal Abuuraha  ganacsigaan ka kooban Geedo iyo xarko leysku geeyey ma jirto cid taakuleysa Sida uu ii sheegay waa afmaal xilliyada uu suuq geynayo qalabka uu sameeyey waxa uu ku gadaa wax Soo saarkiisa

Muqdisho waxaa aad ugu badan dadka leh wax soo saarka qarsoon waxaana yar taageerada ay dadkaasi helaan mid Dowladeed iyo Mid shaqsiyadeed intaba.

Horumarinta dalka ayaa qeyb waxaa ka ah in muwaadinka aragtiyihiisa wanaagsan laga faa’iideysto si muwaadinka u dhashay dalku uu u dareemo in uu joogo dal laga tixgeliyo hindisa maskaxeedkiisa.

W/Q: Cali Adan Muumin