U bood dhigaalka

Dhakhtarka Aqalka Cad Oo Sheegay In Xaaladda Caafimaad Ee Madaxweynaha Ay Fiicantahay

Sheeko:Caafimaadka

Dhaqtarka aqalka cad ayaa sheegay in caafimaadka madaxweyne Donald Trump uu yahay mid aad u fiican, arrintaani ayaa timid ka dib markii lagu sameeyay baritaan caafimaad oo guud.

Roy Jackson oo ah dhaqtarka aqalka cad ayaa sheegay in baaritaannada lagu sameeyay madaxweynaha Jimcadii ay socotay saddex saacadood,ย  ย waxaa uu cadeeyay in madaxweynaha ay aad u fiicantahay xaaladdiisa caafimaad.

Roy Jackson ayaa sheegay in wixii faafaahin dheeraad ah oo u soo gudbin doono weriyaasha maalinta Talaadada ah.

Baaritaanka caafimaad ee lagu sameeyay madaxweyne Trump ayaa waxaa uu ku saabsanaa dhanka dhimirka iyo cuqdud nafsiga ka dib markii dhawaan la soo saaray bug dhaliyey khilaaf kaasi oo lagu durayey caafimaadka dhimirka ee madaxweynaha.

Qoraaga buuggaan dab iyo caro Michael, ayaa sheegay in gacan yarayaasha madaxweynaha ay u arkaan sidii cunug yar oo mar walba doonaya inuu waxa uu jecelyahay loo sameeyo.

Dhankiisa Trump ayaa ku tilmaamay in buuggaani ay ka buuxaan been iyo dhagar sidoo kale xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex W. Tillerson ayaa diiday in xaaladda caafimaad ee dhanka dhimirka ay baabaโ€™santahay.

Goobjoog News