Dhalinyarada Galmudug Oo Laga Wacyigelinayo Tahriibka

Wasaaradda dhalinyarada maamulka Galmudug ayaa sheegtay in ay wado dadaal ballaaran oo lagu doonayo in dhalinyarada looga wacyigeliyo tahriibka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradaasi Saadaq Daahir Mire oo u waramay Goobjoog News ayaa tilmaamay in wasaaradooda ay u taagan tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen dhalinyarada wadankooda ka tahriibaya, kuna dadaalayaan in dhalinyarada shaqo abuur loo sameeyo, sidoo kalena loo sheego dhibaatada uu leeyahay Tahriibka.

“Waa arrin qorshaha noogu jirto in aan dhalinyarada wacyigelinno, una sheegno in marnaba aysan dalkooda ka tahriibin, aniga maamulkii hore ee Galmudug ayaan wasaaradaan ka shaqeynayay, aqoon badanna waan u leeyahay sida dhalinyarada loo wacyigeliyo, hadana maamulkeena aad buu u weynaaday” ayuu yiri Saadaq Mire.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in wasaaradiisa ay qaban qaabin doonto ciyaaro loogu tala galay in dhalinyarada maskaxdooda looga saaro xumaha ay ku fikirayaan sida tahriibka.

Wasiirada cusub ee Galmudug ayaa codka kalsoonida ah maalintii shalay ahayd ka helay Baarlamaanka, waxaana sugayo shaqooyin aad u badan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW