U bood dhigaalka

Dhalinyarada Gobalka Gal-gaduud Oo Looga Digay In Ay Ka Qeybqaataan Dagaalada Ka Dhaca Gobalkaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka ee gobalka Gal-gaduud ayaa uga digay dhalinyarada ku dhaqan gobalkaasi in ay ka qeyb qaataan dagaalada ka dhaca gobalkaasi, oo aah loo soo adeegsan in ay la dagaalamaan ciidanka dowladda.

Korneel Maxamed Kaariye Caraale oo ah taliyaha ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya u qaabilsan waqooyiga Gal-gaduud ayaa sheegay in ay dhawaan soo kordheen dhalinyaro hubeysan oo dagaalo kala horyimaada ciidamada dowladda ee ku sugan deegaano iyo degmooyin ka mid ah gobalkaasi.

“Wilashii yar yarka ahaa ayaa rasaas lasoo siinayaa, meelaha aan joogno ayeey soo weeraraan, dadka si ay ugu maleeyaan in nabad diidka yihiin, caruurta xanuunka xabaddu ma taqaano, waxaan leeyahay dhalinyarooy dagaalkaasi ka leexda, anaga ilmaha yar yarka waxbaan u sheegnaa, fariin baan u dirnaa, xabad kama daba ridno” ayuu yiri Korneel Kaariye.

Dhanka kale Korneelka ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ay ka daba sameeyaan markii dhalinayaradaan uu sheegay weerarka ay soo qaadaan, isaga oo tilmaamay in lasoo qabto cidii dambi cad lagu helo.

Xilliyada qaar waxaa gobalka Gal-gaduud ka dhaca dagaalo, kuwaa oo sababa qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News.